Madaxweynaha oo sheegay in Haweenka la siin doono doorkooda ka qeyb galka siyaasada

  Saturday March 12, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Haweenka Soomaaliyeed ay la siin doono doorkooda ku aadan ka qeyb galka siyaasada iyo boosaska ay ku leeyihiin Hey’addaha dowladda.

Kulan looga hadlayay doorka Haweenka ee dhinaca siyaasada oo uu Madaxweynuhu ka qeyb galay ayuu ka dhawaajiyay inay xaqiijin doonaan sidii haweenka ay u heli lahaayeen %30 ee ay ku leeyihiin matalaada dowladda.

“Doorka Siyaasada haweenka waa ku jiraan, waana ka muuqdaan, waxaa ka shaqeyneynaa in doorkan kor loo soo qaado, dowladdu waxaa ka go’an 30% doorka haweenka inay ku yeeshaan mataalada dowladda, sida Baarlamaanka”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in si waafaqsan sharciga ay u suurta gelin doonaan in haweenka xuquuqdii ay ku lahaayeen dowladda ay heli lahaayeen.

Kulan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Marwada Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan, waxaana ka qeyb galay haweenka Soomaaliyeed ee ku jira Baarlamaanka.

Ururada u dooda xuquuqda haweenka ayaa sheegay in Haweenka laga qadiyay boosaska muhiimka ah ee dowladda, waxaana shirarkii u dambeeyay ee looga hadlayay siyaasada lagu go’aamiyay in haweenka la siiyo qoondada ay ku leeyihiin Baarlamaanka oo ah 30%.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS