Madaxweynaha “Dhismaha maxkamadda dastuuriga ah waa muhiim

  Monday February 08, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka hadlay ahmidda ay wadanka u leedahay dhismaha maxkamadda dastuuriga ee dalka, isagoo mudanayaasha Baarlamaanka ku booriyay in ay dedejiyaan shuruucda lagu dhisi lahaa golaha adeega garsoorka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhismaha maxkamadda dastuuriga ay ahmiyad u leedahay dalka, loona baahanyahay in la dhiso.

“Maxkamadda Dastuuriga waa muhiim, waayo waxaa lagu xalin karaa isqab qabsiga, si qofkasta uusan dastuurka u fasiran, siyaasadda dalka ma dhismi karto, mana hagaagi karto, haddii aan la helin cid leh go’anka kama dambeysta ah, maxkamadda dastuuriga waa inoo muhiim” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in dhismaha guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka ay muhiimtahay, isla markaana loo baahanyahay in la helo cid Madax banaan oo ilaalisa xuquuqda dadka oo ka madax banaan hay’adaha kale ee dowladda, waxaana ay tani qeyb ka noqoneysaa dhismaha adeegga garsoorka.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS