Daawo Sawirada Wasiirkii hore ee Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo dalbaday gargaar caafimaad oo dibadda ah

  Thursday February 04, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Waxaa Magaalada muqdisho ku xanuunsanaya oo xaaladiisa caafimaad dalka waxba looga qaban la'yahay DR.Aden Xaaji Ibraahim,oo ahaa Wasiirkii hore ee Caafimaadka Xukuumadii Ra'isul Wasaare Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xanuunka haya masuulkan ayaan la shegay inu yahay mid kaga dhacay beerka islamrkaan uu la ildaran yahay xanuunkaasi mudo sadex sano ah .
.
Wasiirkii hore ee Caafimaadka DR.Aden Xaaji ibraahim, oo hada ku jira isbitaalka Digfeerr ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya uu garab ka waayay, waxaana ku adkaa Dr-ka in uu i caadi ah ula hadlo Wariyaasha.


Waxa uu shegay Wasiirkii hore ee Faacimaadka inuu dhowr mar qaliin maray hadana ay dhibatada ugu culus ee heysata ay tahay dawooyinkii uu qaatay oo xanuuno kale u keenay.


Waxaa u intaa ku daray in uu so noqday masuul xilil kala duwan kasoo qabtay dalka Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay in dowlada hada ay ka war qabto xanuunka haya iyo in uu u baahan yahay gar gaar cafaimaad oo dibada ah balse uusan wali heyn wax jawaab ah.


DR.Aden Xaaji ibraahim,oo xiliga uu nala hadlayey sariirta bukaanka dul saranaa hadalkan uu ku adkaa ayuu sheegay in bishan gudaheda dalka Hindiya uu dhakhtar kula balansan yahay si wax looga qabto xanuunka haya balse ay dhib ku tahay qarashka ku baxaya xaaladiisa caafimaad oon gacanta ugu jirin.

l
Masuulka oo horey xililaka kala duwan uga soo qabtay dalka ayaa sheegay in ka badan 30 sano uu shacabka Soomaaliyeed ugu shaqeynayey qaab dhaqtar ahaan si bulshada uu uag cawiyo dhinaca caafimaadka markii ugu danbysayna inuu isku ahaa wasiirka caafimaadka iyo xildhibaan katirsan baarlamaanka Soomaliya ah xiligii dowladii KMG.





NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS