Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Danjire C_laahi Aw-Saciid Cusmaan – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Thursday January 28, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyey geerrida ku timid Allaha u naxariistee Danjire C/laahi Aw-Saciid Cusmaan oo ku geeriyooday dalka Mareykanka.

“INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN hor iyo horaan aniga oo ku hadlaya magaceyga, magaca guddoonka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan tacsi uga dirayaa Danjire C/laahi Saciid Cusmaan oo horey u ahaa safiirka dowladda Soomaaliya ee QM oo ku geeriyooday dalka Mareykanka waxaan Alle uga baryayaa in naxariistiisa jano uu siiyo, sidoo kalena carruurta, qoyska iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee marxuumka uu ka geeriyoodayna waxaan Alle uga baryayaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo “ ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Danjire C/laahi Saciid Cismaan, wuxuu ka soo noqday dawladii Sooomaaliya 1966 ilaa 1976-dii garyaqaankii qaranka iyo agaasimihii guud ee Wasaaradda Cadaalada, Allaha u naxariistee ka dib wuxuu noqday sanadkii 1976 Ergayga joogtada ah ee Qarmada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Geneva.

Ambassadorka ayaa sidoo kale wuxuu ahaa ergaygii Soomaaliya u fadhiyay xarunta Qaramada Midoobay ee ku u taal magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

Marxuumku isaga oo matalaya Soomaaliya wuxuu u tartamay kuna guulaystay ku- xigeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Midowga Afrika sanadkii 1991 -1996kii.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS