Sweden oo 80 kun oo ruux ka musaafurin doono dalkeeda – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Thursday January 28, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Dowlada Sweden ayaa shaacisay in ay qorsheynayso in dalkeeda ay ka musaafuriso 80,000 oo dad magan galyo doon ah, kuwaas oo ah dadkii codsiyadooda la aqbali waayay isla markaana ahaa dhowaan wadanka soo galay.
Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha oo lagu magacaabo Anders Ygeman in diyaarado lagu daabuli doono dadkaan, waxaana tallaabadani ay socon doontaa muddo sanada ah.
“Waxaanu ka hadleynaa dad gaaraya 60,000 balse tirada waxaa ay gaari doontaa 80,000,” ayuu yiri Mr Ygeman oo la hadlay warbaahinta dalka Sweden.
Sanadi lasoo dhaafay ee 2015 oo qura waxaa dalkasi magan galyo weydiistay ilaa iyo 163,000 oo qaxooti ah, waxaa lagu sheegaa tiradi ugu badneyd ee dal Yurub ah iska dhiibta.
Sanadkii hore waxaa la eegay kiiska 57 kun oo ruux, waxaana laga aqbalay 55%.
Inkasta oo aanan la sheegin dalalka ay u dhasheen qaxootigaan, ayaa waxaa la saadaalinayaa in ay ku jiri doonaan qaxootiga Soomaaliyeed ee iyagu aanan wali la aqbalin.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS