Magaalada Kismaayo ,ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa maanta waxaa ka furmey shirka madashada wadatashiga qaranka kaas oo si rasmi ah goor dhoweyd ugu furmay halkaasi.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, Ra’iisulwasaaraha dalka, madaxweyniyaasha Jubaland, Koonfur galbeed, Puntland iyo Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa shirkan furitaankiisa goob jog ka ah.
Furitaanka shirka, ayaa mas’uuliyiinta ka hadashay waxaa ay sheegeen sida ay muhiim u tahay in ay madaxda Soomaalida ay soo saaraan wax ay isku racsan tihiin isla markaana keeni kara hab lagu mideysan yahay oo sheegaya qaabka doorasho ee dalka lagu qaban doono.
Madasha wadatashiga qaran, ayaa kulamo kala duwan horey ugu yeelatay magaalada Muqdisho, iyadoo sida uu qorshuhu yahay shirkan uu yahay kii u dambeeyay lana soo saari doono mowaafaqo guud.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar