Madaxweynaha galmudug_ ” Aad ayaan u soo dhaweynayaa shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo SH_Dhexe” – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Wednesday January 13, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug ayaa tilmaamay maamulka cusub ee loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe looga baahanyahay inay ka qeyb qaataan doorka ay ku leeyihiin aayaha dalka, isla markaana ay dadajiyaan dhismaha maamulka.

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa tilmaamay in gogosha la qabtay ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ahmiyad weyn u leedahay bulshada labada gobolka, isla markaana ay noqoneyso dhameystirka nidaamka Federaalka waxaana uu intaa ku daray inay soo dhaweynayaan maamul u sameynta labada gobol oo daris la ah dowlad gobolleedka Galmudug.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dhawaan la qaban doono shirar looga hadlayo Aayaha dalka isla markaana Odayaasha labada Gobol looga fadhiyo inay dadajiyaan ka mira dhalinta gogosha loo fadhiyo ee ah dhismaha maamul u sameynta Gobollada hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS