Guddiyada dastuurka madaxa banaan iyo kan baarlamaanka soomaaliya ayaa dib u eegis ku sameeyay 10 cutub oo ku jira dastuurka qabyada ah ee dalka, kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi, iyadoo kulankaasna uu soo xiray guddoomiye ku xigeenka 1 aad ee baarlamaanka somalia.

Kaddib kulan howleed muddo laba todobaad ah uga socday magaalada Nairobi ee xarrunta wadanka Kenya xubnaha guddiga dastuurka madaxa banaan iyo kan baarlamaanka Somalia ayaa dib u eegis loogu sameeyay ilaa 10 Cutub oo ku jira dastuurka qabyada ah ee dalka.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dastuurka ee dalka ayaa gabagabediisa waxaa ka soo qeybgalay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Somalia mudane Jeylaani Nuur Iikaar, wasiirka dastuurka ee XFS mudane Xuseen Maxamuuud Sheekh Xuseen iyo safiirka DFS u fadhiya dalka Kenya amb Jamaal Maxamed Xasan.

Danjiraha dowladda Soomaaliya u ee dalka Kenya mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ugu horeyn hadalka qaatay ayaa tilmaamay in shaqo wanaagsan ay qabteen xubnaha guddiga dastuurka madaxa banaan iyo kan baarlamaanka Somalia, isagoo ku booriyay in howsha ay halkeeda ka sii wadaan.

Guddoomiyaha guddiba madaxa banaan ee dastuurka dalka Xasan Xaaji iyo wasiirka wasaaradda dastuurka ee XFS Xuseen Maxamuuud Sheekh Xuseen ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha uga qabsoomay dastuurka iyo shaqo howleedka ay Nairobi u joogeen 2 dii todobaad ee u dambeysay.

Gudoomiye kuxigeeka 1aad ee baarlamaanka soomaaliya Jeylaani nuur iikar oo gabagabada kulanka soo xiray ayaa hoosta ka xariiqay in dhawaan dastuurka dalka la horgeyn doono baarlamaanka, waxaana uu dhinaca kale maamul goboleedyada ka jira dalka ugu baaqay in ay ka qeybqaataan sidii loo dedejin lahaa dastuurka KMG ah ee dalka.

Dastuurka KMG ah ee Dalka ayaa ka kooban ilaa iyo 15 cutub, waxaana la rajeymayaa in la dhasmeytiro kahor inta uu dhamaan mudo xilka dowlada hadda jirta.

9ad039dd-37f2-4b29-a640-3906d6437bf118fc1c12-5c6f-40c2-a016-cf6edb40b8e2049539af-b1fc-4bc2-a9b5-8c6771ecdcd486477293-921b-4959-9ac4-5bbd518d6b50ae35d3a1-30c4-44d4-ad90-1197a5056612fa9cb316-f9a1-4911-b886-858dc480f3acfb00b04d-1498-476f-a43e-937d1e210b7dWaxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar