Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qadar ayaa Kulan Sagootin ah u qabatay Dhaawacyadii laga keenay dalka Soomaaliya ee dawlada Qadar ay u fidisay Kaalmada Caafimaad, Kuwaasi oo hadda ay wanaagsan tahay Xaaladooda Caafimaad, Islamarkaana dib ugu noqon doona Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya, waxaana kasoo qayb galay kulanka Gudiga Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Fu’aad Axmed oo ka mid ah Gudiga Fulinta Jaaliyadda ayaa sheegay in Munaasibada loo qabtay Dadka Soomaaliyeed ee dhibku soo gaadhay, Sidoo kalana wuxuu u mahad celiyey Dawlada Soomaaliya, gaar ahaan Wasaarada Caafimaadka.

Waxaa goobta lagu soo bandhigay Muuqaalka iyo Sawirada sidii ay markii hore Xaaladoodu ahayd dhaawacyada Soomaaliyeed ee loo fidiyey kaalmada Caafimaad, kuwaasi oo Tiradoodu ahayd 26-Qof, oo waxyeelo kala duwan kasoo gaadhay Weeraro iyo Qaraxyo ka dhacay dalka, Iyadoona kulanka sagootinta ah oo loo qabtay 6-dii ugu danbaysay oo ku noqonaya dalkooda hooyo.

Mukhtaar Cali Yuusuf Qusulka Safaarada Soomaaliya ee dalka Qadar oo kulanka ka hadlay ayaa siwayn ugu mahad celiyey Dawlada Qadar ee garab istaagtay dadka Soomaaliyeed.

Ugu danbayntii waxaa Muqtaar Axmed oo ka mid ah dhaawacyadii la keenay dalka Qadar hadana Xaaladoodu ay aad u wanaagsan tahay, ayaa mahad celin usoo jeediyey Dawladaha Soomaaliya iyo Qadar, wuxuuna dadka soomaaliyeed usoo jeediyey inay inay garab istaagaan Dawladooda.

2d39a9ca-9566-44a4-b607-549e4249d28019b5495d-49d0-4d69-9edd-f96bf13c5a0990dcdd83-af99-4ab5-b42c-2725c56987884030c7fd-b35f-4843-a276-e8ac3377f1264374ae09-6af2-4128-85f5-472f408c6d9756144200-6dc2-4528-89bc-c0ca51492bc8a2fcce5c-b572-4a7b-87fc-6d416088164cbfa1ad4b-97d2-48be-af6f-ca9522d93fdbc2f2bb65-42d5-4f81-966d-9c90d745da9bd9a0ec48-9ef7-4752-8fb7-078dc7d395dcddab7c1d-fca0-42e3-8e9b-5d9ff06be15c

Waxaa soo diyaariye warkaani

Wariye C.qaadir hassan jokar