Guddiyada joogta ee Baarlamaanka oo warbixin ka dhageystay Guddiga madaxabanaan ee xuduudaha iyo federaalka – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Saturday January 09, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Kulanka guddiyada joogtada ah Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa waxaa warbixin looga dhageystay howlqabadka guddiga madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in waxyaabo badan ay u qabsoomay intuu uu jiray guddiga, isla markaana ay jiraan waxyaabo kale oo aan weli qabsoomin, isagoo xusay inay kulamo la qaateen madaxa maamul goboleedyada.

Xoghayaha guud ee Golaha shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in guddiga ay soo gudbiyeen waxyaabihii u qabsoomay.

Dhanka kale kulanka ayaa waxa looga hadlay jiheynta siyaasadda 2016, maadaama 10-ka bishan uu shir ka furmayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose shirka looga hadlayo .Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS