Shil gaari oo dad ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay Dhuusamareeb – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Saturday January 09, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

15 ruux ayaa ku dhaawacantay kadib shil gaari oo maanta ka dhacay afaafka hore ee magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, kuwaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka ee magaalada.

Shilka ayaa sababay kadib markii labo gaari oo mid uu ka yimid dhanka magaalada Dhuusamareeb halka kan kale uu ahaa mid ka tegay Muqdisho ay isku dhaceen halka laga galo magaalada, waxaana dadka ku dhaawacmay ay u badnaayeen carruur iyo haween.

Agaasimaha Isbitaalka magaalada Dhuusamareeb Dr Axmed Mahdi Maxamedoo la hadlay Radio Muqdishoayaa sheegay in labo ka mid ah dadka ku dhaawacmay shilka ay xaaladooda caafimaad aad u liidato, waxaana ay intaa ku dareen inay ku howlanyihiin sidii loo dabiibi lahaa dhaawacyada shilka gaari ka dhashay.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS