Jowhar” Shirka Maamul Usameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo Todobaadka Soosocda Furmaya – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Saturday January 09, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Mas’uuliyiin ka socota Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada jowhar, si ay qiimeyn ugu sameeyaan ammaanka Magaalada kahor, Shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wafdiga gaaray Magaalada Jowhar ayaa waxa ay kala matalayeen Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xubno matalayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Saraakiil ka socota Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, kuwaas oo u jeedkooda uu yahay in ay Indha-Indheeyaan Xaaladda Guud ee Magaalada Jowghar.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta gaaray Jowhar ayaa sheegay in Dadka Reer Shabeellaha Dhexe ay Diyaar u yihiin in maamul loo sameeyo.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in Todobaadka Soo Aadan uu Furmi doono Shirka Maamul Usameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdiwali Ibraahim ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugidda ay sameeyeen Howlgallo lagu Adkeynayo Amniga Gobolka maadaama loo diyaar garoobayo Shirka maamul usameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Todobaadka Soo Socda ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furmo Shirka maamul U sameynta Bulshada degta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe si ay dadkaas u qaatan Nidaamka Federaalka.

Todobaadka Soo Socda ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furmo Shirka maamul U sameynta Bulshada degta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe si ay dadkaas u qaatan Nidaamka Federaalka.Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS