Gudoomiyaha Barlamanka Federaalka Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Dowladda ay door weyn ka qaadaneyso dib u heshiisiinta Bulshada si loo soo celiyo xasiloonida Dalka.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Dhuusa mareeb waxaa uu kulan la yeeshay qeybaha bulshada sida odayaasha iyo maamulka Ahlusuna.

“Geed dheer iyo geed gaaban waan u koreynaa raadinta maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, cidkasta oo noo yeerata waan u tegeynaa, sidaa daraadeed waxaa lagama maarmaan ah in aan dowladnimada xoojino oo qeyb ay ka noqdaan cidkasta oo Soomaaliyeed, magaca golaha shacabka iyo kan Xildhibaanada waxaan idin leeyahay mahadsanidin waxkasta oo aad qabateen,

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa xusay in Baarlamaanka Soomaaliya uu markasta u taagan yahay ilaalinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed, isagoo Ahlusuna ugu mahadceliyay sida wanaagsan oo ay ugu ogolaadeen codsigii ay u jeediyeen.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar