Madaxweynaha oo ka qeybgalay furitaanka garoonka Bosaaso-Sawirro – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Friday January 08, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Waxaa ka soo qeyb galay munaasabadda wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamauud,madaxda Puntland, beesha caalamka,safiirada dalalka Talyaaniga, Shiinaha ,raysal wasaarayaashii hore ee Soomaaliya, Boqorka , Nabadoono, siyaasiyiin, culimo’udiin, dhalinyaro,haween, ganacsato, qurbajoog, warbaahinta , iyo iyo marti sharaf aad u fara badan.

Munaasabaddan ayaa ah mid weyn oo taariikhi, taasi oo baal weyn ka geli doonto taariikaha Soomaaliya.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Axmed Jaamac Jangeli oo munaasabadda mas’uuliyiintii ka hadashay kamid ahaa ayaa u hambalyeeyay dowladd goboleedka Puntland guusha ay ka gaareen mashruuca dib u dhiska garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso.

Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya,Wei Hongtian ayaa munaasabadda furitaan garoonka diyaaradaha magaalada Bosaaso ka sheegay in dowladda Shiinaha ay ka go’an tahay maagashi in ay ku sameysay guud ahaan qaaradda Afrika isla markaana Soomaaliya mashaariicdaasi ay ka faa’ideysan doono.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa u mahadceliyay dowladaha gacanta ka geystay dhismaha garoonka diyaaradaha ee Bosaaso.

1456891011bosaso_runwaygaroonkaIMG_1645IMG_1668IMG_1673

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS