Qaxooti Soomaali ah oo dibad bax ka dhigay Jarmalka

  Thursday January 07, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalka Jarmalka ayaa lagu soo waramayaa in ay dibad baxyo ka dhigeen magaalooyinka wadankaasi, kadib markii xukuumadda dalka Jarmalka ay Soomaalida u sheegtay in aysan u aqoonsan doonin qaxooti maadaama dalka Soomaaliya ay haatan deganaansho nabadeed ay ka jirto sida laga soo xigtay saraakiisha dalkaas.

Wariye C/qani Cali Dalmar oo kamid ah dadka Soomaaliyeed oo ku nool qaaradda Yurub ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Jarmal aysan dibad baxyada arintan loogu soo horjeedo loo kala harin.

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in dadka ka soo jeeda wadamada Suuriya iyo Eretria ay u aqoonsantahay ayna wadanka ku leeyihiin xuquuq, halka Soomaalida halkaas joogta ay sheegeen kuwo dhaqaale doon ah sidaa darteedna wax xuquuq ah aysan dalka Jarmalka ku laheyd.

C/qani ayaa sidoo kale sheegay in banaan baxyo ay ka socdeen magaalooyin badan oo ka tirsan Jarmalka sadexdii maalin ee la soo dhaafay, isla markaana 28 bishan Janaayo ay ku balameen in ay sameeyeen dibad bax aad u balaaran oo ay ka soo qeybgali doonaan dad badan oo Soomaaliyeed oo ku nool wadankaasi.

Dibad baxyaasha Soomaalida ah ayaa hortagay maxkamadda sare ee dalkaasi, iyadoo maxkamadu ay u sheegtay in dooda ay qabaan loo gudbin doono baarlamaanka Jarmalka.

Jarmalka ayaa waxaa ku nool Soomaali aad u badan oo qaarkood ay dalkaasi deganaansho ka heysta hase yeeshee waxaa jira kuw kale oo aan wax sharci ah ku joogin dalka Jarmalka.

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS