Ciidamada Dowladda oo Warmaxan ku dilay Todobo Maleeshiyaad – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya
Tuesday January 05, 2016 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Afhayeenka Maamulka Gobolka shabeellaha hoose Maxamed Xuseen Shiino oo la hadalay R, Muqdisho ayaa ka hadlay qasaarihii ka dhashay weerarkii Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku soo qaadeen Degmada Warmaxan.
“ Todobo ayaan ka dilnay Maleeshiyaadkii soo weeraray degmada Warmaxan, Dowladda Dhankeedana waxaa ka Dhaawacmay 2 Askari kaddib markii gaari ay qarax ku xireen uu qarxay hadda aan idinla hadlayo Amnigu waa mid caadi ah” Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose.
Afhayeenka Maamulka shabeellaha Hoose ayaa intaa ku daray in uu jiro Sanadkaan Qorshayaal kooxda Alshabaab looga Sifeynayo Deegaannada Gobolka ay uga suganyihiin.
Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu xaqiijinayo Amniga Deegaannada Gobolka.Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar
NO COMMENTS