Sheeko Cajiib ah: Gabar ka luntay qoyskeeda 28 ka hor oo dib ula midowday (Sawiro)

  Tuesday January 05, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Sanadkii 1988dii ayay ciidamada dowladii Saddam Xuseen waxa ay ku isticmaaleen hubka kimikalka ah magaalooyin ay leeyihiin dadka Kurdiyiinta ah gaar ahaan magaalada Halabja.

Kumanaan ruux ayaa ku geeriyootay dhibaatadaas qoysas fara badana waa ay kala firdhoomeen. Mid ka mid ah carruurtii xilligaas weerarka dhacayay ayaa waxaa ay ku soo kortay dalka Iran balse dhowaan ayay ku laabatay magaalada ay ku dhalatay si ay u hesho qoyskeedii inta ka nool.

Dalka Ciraaq ayaa waxaa ka dhacay qisooyin badan oo ku saabsan saameyn ay ku yeesheen dagaalada sokeeye ee ka dhacay dalkaas xilligii uu hayay xukunka Madaxweyne Saddaam Xuseen.

Maryan waxa ay ahayd gabar yar markii March 1988 diyaaradaha dagaalka ee Saddam Xuseen ay ku rideen magaalooyinka ay degenaayeen dadka Kurdiyiinta ah oo xilligaa mucaaradka ku ahaa dowladiisa suntan kimikada.

Gabadhan oo hadda ku jirta da’ada labaatamaadka ayaa ahayd ilmo yar markii iyada iyo qoyskeeda ay diyaarado helekabtaro ah loogu daadgureeyay dalka Iran,balse waxa ay ku qaadatay in ay dib u hesho qoyskeeda sanado badan,waxana ay kala lumeen qoyskeeda kuwaasoo indhaha ku beelay kimakadii lagu isticmaalay magaaladooda.

Hase ahaatee gabadhan ayaa waxaa soo korsaday qoys Iraniyiin ah oo degen magaalada Sari oo ku dhow badda Caspianka, qoyskaas ayaa gabadhoodii oo 14 jir ahayd xilligaa geeriyootay.Fatumo oo ahayd hooyada qoyska soo korsaday gabadhan ayaa u bixisay Maryama oo la oran jirey gabadhii ka geeriyootay.

Waxaan ugu bixiyay Maryan in aan ku soo xasuusto gabadheyda, waxayna Ia ahayd in gabadheedii Maryan ay dib ugu soo laabtay markii ugu horeysay ee ay baalka gelisay gabadhan yar oo qoyskeeda ay kala lumeen.

Laakiin Maryama waxa ay dareemeysay marba marka ka sii dambeysa ee ay korto in ay wax ka qaldan yihiin. “Maalin aan kula ciyaarayay carruurta kale ee qoyska jardiinada, waxay igu yiraahdeen nalama ciyaari kartid annaga.”ayay tiri Maryama.

“Waxaan weydiiyay sababta?’waxay iigu jawaabeen adiga waa lagu soo korsaday, ma fahmin waa lagu soo koriyay waxa ay ula jeedeen. “Waxay igu yiraahdeen, kama mid ihid adiga qoyskeena, haddii aad fiiriso buugga sawirada lagu keydiyo ee qoyska waxaad arki doontaa in muuqaalkaagu uusan la mid ahayn keena. Waxaan fiiriyay sawirada waa ay saxsanaayeen oo muuqaalkeygu wuu ka duwanaa kooda.”ayay tiri Maryama.

Xiriirka u dhexeeyay haweeneydii soo korsatay Maryama marwalba ma ahayn mid wanaagsan balse waxa ay aad ugu dhoweyd aabaha qoyska oo la oran jirey Hushan.

Nasiib wanaag Hushan ayaa Maryama markii ay 18 sano jirsatay u xaqiijiyay inay tahay gabar ay soo korsadeen, waxana uu ugaga sheekeeyay sida ay ugu soo biirtay qoyskiisa isagoo u sheegay in ay tahay Kurdisho balse uusan aqoon gobolka ay ka soo jeedo. Kadib markii uu geeriyooday aabaha qoyska waxaa sii kordhay dareenka Maryama ee ah in ay qoyska faquuqayeen.

“Maalintii uu aabahay dhintey qafna tacsi iiguma iman, waxaan ku dul ooyay qabrigii aabahay laakiin waxa ay igu yiraahdeen maxaad u ooyaysaa? Adigu kama mid tihid qoyskiisa,’”ayay tiri Maryama.

Markan ayay Maryama si dhab ah u dareentay in dhibku uu hadda u bilowday,waan keliyoobay, balse labo sano kadib ayay Maryama ka codsatay hooyadii soo korisay in ay la raadiso qoyskeeda.

Maryama ayaa safar ku martay magaalooyin ku yaal dalka Iran gaar ahaan deegaanada ay ku nool yihiin dadka Kurdishka ah si ay u raadiso wax uun u iftiimin kara halka ay ka soo jeedo,nasiib wanaag waxa ay la kulantay labo ruux oo Kurdish ah kuwaasoo ka kaalmeeyay illaa toddobo ruux sidii ay ku heli lahaayeen waalidiintooda kadib markii baaritaan lagu sameeyay dhiigga loo yaqaan DNA.

“Waxaan qiyaasayay inaan dhashay xilligii lagu weeraray magaalada Halabja suntan kimikalka ah,” ayay tiri Maryama. “Waxaana aan filayay in aan ka mid ahay caruurtii Halabja kuwaasoo waalidoontooda qaarna dhinteen kuwa kalana ay barakaceen.”

Luqman Qadir oo kooxdaas madax ka ahaa ayaa go’aansaday in uu wax u qabato gabadhan raadinaysa waalidkeed. Dadkii ku dhintey weerarkaas ayaa lagu aasay xabaalo wadareed

“Markii dhibaatada ay ku dhacday Halabja waan u so joognay,waan aragnay waxa dhacay, inaan fahamno sheekada Maryam aad ayay noogu fududahay.waxaan aragnay boqolaal carruur ah oo waalidkood ay kala lumeen kuwaas oo ku kala firirsan magaalooyin badan oo dalka Iran,”ayuu yiri Luqman.

Qofna ma garanayo tirada saxda ah ee carruurta weli waalidkood kala maqan yihiin, Maryan aya aka mid ah kuwo kooban oo dib ugu laabanaya Halabja iyagoo raadinaya halka ay ka soo jeedaan.

“In waalidkaa aad kala luntaan waa arrin murugo leh,balse waxa ay ugu murugo badan tahay dumarka sababtoo ah marka ay doonayaan inay guursadaan waxaa la weydiiyaa halka ay ka soo jeedo, taasina waa sababta gabadhan Maryan ay u raadinayo waalidkeed maadaama ay ku jirto xilligii dhalinyaranimada,”ayuu yiri Qadir.

Maryama waxa ay sheegtay in markii ay ku nooleyd Iran in dhowr mar la soo doontay balse markii la ogaaday in aan la aqoon halka ay ka timid oo ay tahay gabar la soo korsaday guurkii laga noqday.

“Markii aan carruurta ahaa waxaa la igu dhihi jirey,’Qofna ma taqaan waalidkaa,waxaa tahay wacal,waxaa laga yaabaa in lagaa soo helay qashinka ama musqulaha,qofna ma garanayso waalidkaa,” ayay tiri Maryam.

Markii ay soo gaartay Halabja bishii May waxa ay bilowday in dhiigga DNA-ga ay iska baarto iyadoo qoysas badan ay ka maqnaayeen carruur.Maryan ma aysan garanayn da’adeedu inta ay ahayd markii weerarkii Halabja uu dhacay, balse qoysas badan ayaa xilligaa ilmahooda ay kala lumeen.

Dr Farhad Bazarnji oo taqasus gaar ah u leh isirka oo ka howlgala magaalada Sulaymaniyah ayaa sheegay in uu si mutadawacnimo ah ugu kaalmeynayo Maryan. Maryama ayaa taleefishinka Kurdiyiinta laga wareystay waxana ay codsatay in dadkii ilmo ay ka maqan yihiin ay yimaadaan si baaritaanka DNA-da loogu sameeyo.

Dr Bazarnji ayaa baaritaan ku sameeyay illaa iyo 58 qoys ka hor inta uusan in kooban ka soo xulan. Maryam ayaa waqti la qaadatay oo la kulantay qoysaskii baaritaanka lagu sameeyay iyadoo ka raadinaysa waalidiinteeda.

Mid kamid ah hooyooyinkii yimid Meliheh Qurban oo 70 sano jir ah ayaa soo xasuusatay in ay suuxday weerarkii kiimikada markii lagu qaaday magaalada Halabja iyadoo dhabta ku haysa gabadheeda oo 7 bilood jir ah, waxana ay sheegtay in ay soo miyirsatay iyadoo joogta isbitaal ku yaal Kangavar dalka Iran. Balse gabadheeda aysan la socon kana maqan tahay illaa iyo xilligaa.

Hase ahaatee Maryan oo weli ka sugeysa go’aanka ugu dambeeya taqtarka ayaa haweenaydii dhabta gelisay iyadoo niyada iska lahayd ma hooyadaa baa tan mise?

Balse markii dambe ayay la kulantay saddex gabdhood oo walaalo ah kuwaasoo hooyadood iyo aabahood ay dhibteen,balse gabar kale oo ay walaalo ahaayeen ayaa ugu wardambaysay duqeyntii ka dhacday dhulka ay degenaayeen Kurdiyiinta.

Maryam markan waxa ay niyada iska lahayd “Alla waa walaalahaa, waxay u hadlayaan sida adiga oo kale,waxa ay u qoslayaan sidaada oo kale.dabeecadahooda waa qaar aan isku mid nahay.”

Balse xilligii ballanta la lahaa ayaa gabadhihii walaalaha ahaa iyo marti faro badan waxa ay isugu yimaadeen taalada loogu magac daray Nabada Halabja waxaana halkaas si toos ah loogaga daawanayay taleefishinka Kurdiyiinta. Dr Farhad waxa uu gaaray go’aankiisii ugu dambeeyay waxana uu hayaa jawaab cad.

“Qof walba waxa uu sugayay daqiiqadan bilooyin badan,”ayuu hadalkiisii ku bilaabay. Dadkii waa ay wada aamuseen si ay u maqlaan waxa xigi doona. “Maryam, nasiib darro aabahaa wuu geeriyooday waxana uu ka mid ahaa dadkii ku dhintey weerarkii Halabja.” Ilmo ayaa ka soo daadatay indhaha Maryama.

“Laakiin, Nasiib wanaag waxaan kuu sheegi karaa caawa in aad leedahay walaal iyo hooyo waadna ku farxi doontaa sababtoo ah waad kulmi doontaan. Maanta wixii ka horeeyay waxaa laguu yiqiin Maryam oo kaliya, balse waxaan kuu sheegayaa in magacaaga runta uu yahay Hawnaz, waxaadna tahay gabdhii ay dhashayand Mrs Gilas Eskander.”

Goobtii waxaa ka dhacay oohin,qosol iyo naxdin dad badan oo sugayay in gabadha Maryam ay noqonayso gabadhoodii ayaa aad u naxay halka qoyska maanta dib u helay gabadhoodiina ay farxad badan ka muuqatay.

Islaan waayeel ah oo xiran indho gashi ayaa la soo istaajiyay waxayna isku duubtay gabadhii Maryama ahayd waxaana ka dhacay oohin ay farxad ku jirto.

Gilas Eskander waxa ay ahayd qofkii ugu dambeeyay ee laga qaado dhiigga DNA waxayna isku mid noqdeen gabadhii Maryama ahayd. “Aad ayaan ugu faraxsanahay, waxaan dareemayaa in aan mar labaad dhashay waxaana aan ku arkayaa indhahayga adduunyo cusub,”ayay tiri Maryama .

Maryama walaalkeed ka weyn oo goobta ku sugnaa waxa uu ka yimid dalka Netherland halkaas oo uu degenaa isagoo u yimid in uu la kulmo gabadha ay walaalaha ahaayeen.

Sidoo kale waxaa goobta joogay wiil iyo gabar oo ay Maryama ay isku hooyo ahaayeen.Wiil ka yaraa Maryama waxaa isagana lagu waayay dagaalkii 1988dii.

Sheekadan waxaa tarjumay Mohamed Abuukar

maryama-sheko-1

maryama-sheko-2

maryama-sheko-3

maryama-sheko-4

maryama-sheko-5

maryama-sheko-6

Waxaa soo diyaariye warkaani Wariye C.qaadir hassan jokar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS