Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed oo tababbar u soo xiraya ciidan

  Saturday December 26, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamulka oo socdaal ku maraya degmooyinka ka tirsan Koonfurgalbeed ayaa la filayaa in uu tababbaro u soo xiro ciidamo ka tirsan maamulka oo loo tababbarayo xoojinta amniga.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa ku soo waramaya in wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koonfurgalbeed ay ku wajahanyihiin Degmoyinka Bardaale iyo Waajid oo ka kala tirsan gobolada Baay iyo Bakool halkaasi oo lagu tababbarayo ciidamo ka tirsan daraawiishta maamulka, si ay gacan uga geystaan la dagaallanka Al-Shabaaab.

Horey waxa uu tababbaro ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka ammaanka ee maamulka Koonfurgalbeed, kuwaasi oo uu ku bogaadiyay inay xoojiyaan amniga deegaannada maamulka, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-ShabaabWaxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS