Madaxweynaha: ‘’Ciidanka Booliska waxa uu tusaale u yahay dib u soo kabashada Soomaaliya’’ SAWIRRO

  Sunday December 20, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Muqdisho, 20 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhammaan Ciidammada Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 20-ka December awgeed oo ku beegan sannad-guuradii 72-aad tan iyo markii la aasaasay Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa hooyadda dhammaan ciidammada kala duwan ee Soomaaliya leedahay. Waxaa ciidankan uu misaal u yahay soo kabashada Soomaaliya, iyadoo aan ognahay inay ku guuleysteen inay badbaadiyaan keydka taariikhiga ah ee uu ciidanku lahaa. Waxaa munaasabadihii horay halkan uga dhacay na loogu soo bandhigay galka askarigii ugu horeeyay ee booliska loo qoray sannadkii 1943-kii, markii ciidankan la dhisay, taasina waxay muujineysaa kartida ciidankan iyo sida geesinimada leh ee ay u difaacdeen keydkooda taariikheed”, ayuu yiri Madaxweynaha oo maanta xarunta Akademiyadda Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho kaga qeybgaley munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay oo lagu xusayey maalinta booliska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in booliska ay tiir dhexaad u yihiin ilaalinta sharciga, loona baahan yahay in shacabku garto in sharcigu uu yahay furaha cadaaladda iyo nabadda.

‘’Dowladnimadu waa xoog sharciyad leh. Halkudhegga ah Sharciga ilaali ha ku ilaaliyee, waxaa micmaheedu yahay in shacabka ay sharciga u hiiliyaan si ay nabad iyo caddaalad ugu noolaadaan.Aad baan ugu faraxsanahay horumarka uu sameynayo Ciidanka Booliska Soomaaliya.Waxaan si gaar ah u ammaanayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan, oo ah nin laamaha amniga ee dalka horumar badan ka sameeyay, sida diyaarinta kaadiriinta cusub ee Ciidammada Nabadsugidda Qaranka, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo haatan booliska ‘’.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha uu sheegay inuu soo dhoweynayo dadaalka Ciidanka Booliska ee dhinaca kobcinta aqoonta ciidammada, sida qorista iyo akhrinta afka Soomaaliga, oo haatan ciidammo badan oo aan horay u qori jirin la siiyay fursad ay ku bartaan qorista afka, si ay u noqdaan ciidammo xirfado dhammeystiran leh dhan kasta.

“In Boolisku aqoon yeesho waa arrin muhiim ah, waxaanna wax lagu farxo ah in Taliyaha Booliska iyo Ciidanka Booliska ay xoogga saareen in booliska ay noqdaan kuwo aqoonta laamaheeda kala duwan barta, oo ay ugu horeyso qorista afkeena hooyo. Dardaaranka aan u jeedinayo booliska ayaa ah in muhimad la siiyo aqoonta’’.

Ugu Dambeyn waxaa uu Madaxweynaha ammaan u jeediyay beesha caalamka oo iyana gacan weyn ka geysatey dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Qaramada Midoobay, Midowga Afrika , Midowga Yurub iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah, waxaan uga mahad celinayaa sida ay uga qeyb qaateen dib u dhiska ciidankeena booliska. Waxaan si gaar ah mahad ugu celinayaa Mareykanka, Isutagga Imaaraadka Carabta, Talyaaniga, Djibouti, Uganda iyo waddamo kale oo gacan ballaaran ka geystey maalgelinta, tababarada iyo baahiyada kale ee ciidammadeena booliska’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda waxaa kale oo hadalo ka soo jeediyay Taliyaha Ciidammada Booliska Soomaaliyeed, Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo ciidammada.

Waxaa goob joog ka ahaa xafladda xubno labada gole ka tirsan, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo halkaasina lagu soo bandhigey bandhig faneed ay hormuud ka ahayd kooxda Heegan ayna kala qeyb galeenkooxo kale.

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS