Madaxweynaha oo ka qeybgalay xuska 72 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska
Sunday December 20, 2015 | ![]() |
![]() |
![]() |
PRINT THIS PAGE | ![]() |
SEND TO YOUR FRIEND |

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayo 72 guuradii ka oo wareegtay Aas aaska ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka socotaa magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka.
Munaasabadda oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, taliyeyaasha ciidamada xoogga dalka, booliska iyo hay’adda Nabad sugidda, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ururrada Haweenka Qaranka iyo kan gobolka Banaadir, fanaaniinta kooxda Heegan.
Ciidanka booliska ayaa fagaaraha dugsiga sare ee tababbarka booliska ee Jeneraal Kaahiye, ku soo bandhigay gaaddo ka cayaar aad u quruxbadan, taasi ay la dhaceen intiii ka qeyb gashay xafladda, waxaana intaas kaddib loo gudbay hoolka ay fanaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka booliska dhankooda ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa waxqabadka ciidanka.
Wixii ku soo kordha waan idinla socod siin doonaa
Waxaa
Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar
NO COMMENTS