Madaxweynaha Maamulka Puntland oo guulo la taaban karo ku tilmaamay shirarkii lagu qabtay Muqdisho

  Saturday December 19, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dib ugu laabtay Gaalkacyo ayaa tilmaamay in shirarkii looga hadlayey aayaha Soomaaliya ay guul ku soo dhamaadeen.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Gaalkacyo ayuu ku sheegay in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho isaga iyo wafdi la socday ay u joogeen ka qeyb galka shirarkii looga hadlayey Hal-beegga Mustaqbalka Soomaaliya iyo Madasha wadatashiga Qaran ee hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka la filayo inay dalka kaqabsoomaan.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland ayaa xusay in shirarkii looga hadlayay masiirka Ummadda Soomaaliyeed ay guulo wax ku ool ahi uga soo hooydeen bulshada Soomaaliyeed, waxaana mar uu ka hadlayey shirkii looga hadlayey geeddi-socodka doorashooyinka ku tilmaamay in shirkaasi la isku dhaafsaday aragtiyo badan oo laga soo ururiyey dadka Soomaaliyeed ee ku kala dhaqan gobollada kala duwan ee dalka, isla markaana ay aragtiyahaasi isugu soo biya shubanayeen in Ummadda Soomaaliyeed ay u baahan yihiin inay helaan metelaad dhab ah oo iyaga ka timaada.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS