Shirka Madasha wada tashiga oo ay ka soo baxeen go’aanno muhiim ah Posted on December 16, 2015 by Mohamed

  Thursday December 17, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Shirka looga tashanayo qaabka ay noqon doonto Doorashada la filayo inay Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2016 ayaa la soo gabo gabeeyay, iyadoo laga soo saaray qodobo dhowr ah.

Shirka madasha wada tashiga Heerka Qaranka ee geesi socdka doorashooyinka 2016-ka Soomaaliya oo muddo 4 cisho ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta la soo gabo gabeeyey waxaana laga soo saaray warmurtiyeenka ka kooban 7 qodob, isla markaana lagu cadaynayey in aysan jiro doonin mudo korarsi loo sameeyo hay’addaha dowladda, kuwaa oo waqtigoodu ku egyahay sanadka 2016ka bisha August.

Xiritaanka shirka ayaa wax aka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Guddoomiyaha Barlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda, madaxda maamul goboleedyadda dalka, wakiilo ka socday gobolda Banaadir Shabeelaha Dhexe, Banadir iyo Safiirada dalka caalamka u jooga Soomaaliya.

Ra’iiisul wasaarah Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cumar cabdirashiid Cali sharma’arke ayaa warbaahinta ayaa sheegay in shirka xiga 10-ka Janaayo lagu qaban doono magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubba Hoose.

Qoddobada ugu muhiimsan ee warmurtiyedka ayaa waxaa ka mid ah;

1– Inaan wax muddo kordhin ah loo sameyn doonin hay’adaha dowladda Soomaaliya ee hadda jira.

2 – In la dhiso laba aqal oo sharci dejin, oo kala ah aqalka sare iyo aqalka hoose ee baarlamaanka.

3 – In habka awood qeysbiga lagu saleeyo deegaan iyo qabiil isku dhaf ah oo labada dhinac la isku eegayo.

5 – In tiro kuraas ah oo cayimin haweenka laga siiyo labada gole ee la dhisi doono ee kala ah aqalka sare ee baarlamaanka iyo kan hoose iyo qodobo kale.

Nikolas Key Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in hogaamiyaasha Soomaaliya looga bahan yahay ina y howl adag qabtaan maadama uu waqtigu yar yahay, waxaana uu intaa ku daray in Soomaaliya la gaarsiin doono sanadka 2020-ka doorasho hal qof iyo hal cod ah, inta ka horeysana ay doorashada ay noqon doonto mid deegaan iyo mid

Guddoomiyaha gola shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shirka xirtaankiisa hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay inaysan doonaynin in la garab marro isla markaana ay muhiim tahay in la tixgeliyo Dastuurka dalka u degsan.abdulqaadir ha

“Golaha shacabka waa idin maqanyahay hooyooyinka Soomaaliyeed, isla markaana ay maanka ku hayaan in xuquuqdooda ay heli doonaan, Odoyaasha dhaqanka waxaan idinka rabnaa in aad taladiina nagu biiraan, si loo hogaamiyo dalka, isla markaana talada dalka uu noqon doono mid Soomaalida ay aayaheeda ka tashaneyso” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka soo xiray ayaa u mahadceliyey guud ahan ka qayb galayaasha shirka, waxaa uuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay madaxda dalka tageeraan go’an kasta oo ay ku garaan shirka magalaada Kismaanyo lagu qaban doono 10 bisha Janaayo ee sanadka 2016ka uu rajeynayo inay ka soo baxaan guulo taariikhi ah.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS