Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Isbaheysiga La Dagaalanka ISIS Iyo Soomaaliya oo Ka Mid Ah

  Tuesday December 15, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Dowlada Sucuudiga ayaa maanta oo Salaasa ah shaacisay dhismaha Isbaheysiga wadamada Islaamka ee la dagaalamaya Argagaxisada, isbaheysigan oo ay ku jiraan 34 wadan ayaa waxaa kamid ah dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa shaaciyey dhismaha isbaheysigan oo ay ku jiraan qaar kamid ah dalalka Islaamka ee Qaarada Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya.

Waxaa kamid ah Isbaheysiga Dalalka Awooda militari leh sida Pakistan, Turkiga iyo Masar, balse waxaa laga reebay in lagu soo daro dalalka Iran, Ciraaq, Syria iyo Afghanistan.

Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in xooga ay saari doonaan isbaheysigan la dagaalanka kooxaha Argagaxisada gaar ahaan kooxda ISIS ama Daacish, wuxuuna sheegay in dalalka ay hada mid waliba kaligiis si gaar ah u wado la dagaalanka Argagaxisada balse ay cududooda mideyn doonaan, wuxuuna sidoo kale sheegay in xarunta Isbaheysiga laga dhisi doono magaalada Riyadh ee dalka Sucuudiga.

Wadamada xubnaha ka ah Isbaheysiga ayaa kala ah:
Saudi Arabia, Bahrain, Bangladesh, Benin, Chad, Comoros, Cote d’Ivoire, Djibouti, Egypt, Gabon, Guinea, Jordan, Kuwait, Lebanon, Libya, Malaysia, Maldives, Mali, Morocco, Mauritania, Niger, Nigeria, Pakistan, Palestine, Qatar, Senegal, Sierra Leone, Somalia, Sudan, Togo, Tunisia, Turkey, United Arab Emirates iyo Yemen.

Waxaa Soodiyaariye Warkani C.qaadir Xasan Jookar


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS