Maleeshiyo Beeleed Ku Dagaalamay Magaalada Shalaanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose

  Tuesday December 15, 2015 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Shalaanbood ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa saaka halkaasi ku dagaalamay labo maleeshiyo beeleed.

Dagaalkaan saaka dhexmaray labada maleeshiyo beeleed ayaa xiriir la leh dagaalo maalmahan ka dhacaayay magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.

Afhayeenka maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Xuseen Shiine, ayaa xaqiijiyay in labada maleeshiyo beeleed oo kala taabacsan dhinacyadii Marka ku dagaalamay saaka ay isku fara saareen Shalaanbood.

Wuxuu sheegay inaysan ogeyn Khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse Warbaahinta dib ay ka siin doonaan macluumaadka dagaalkaasi la xiriira.

Dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya ayaa wuxuu ugu baaqay inay u hogaansamaan baaqa ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku aadan joojinta dagaalka.


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS