DHAGEYSO:-XILDHIBAAN CUMAR GAABOOW“GANACSATO SAMEYSTAY LACAG SHILIN SOOMAALI AH AYAA DHIBAATO KU HAYA SHACABKA HIIRAAN

  Monday January 15, 2018 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
XILDHIBAAN CUMAR GAABOOW“GANACSATO SAMEYSTAY LACAG SHILIN SOOMAALI AH AYAA DHIBAATO KU HAYA SHACABKA HIIRAAN

Bilihii la soo dhaafay waxaa caqabad ka taagneyd diidmada lacagta shilinka Soomaaliga taas oo laga diiday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan isla markaana dhibaato ay ku noqotay Shacabka ku nool degmooyin ka mid ah gobolkaas.

Xildhibaano ka tirsan Hir-Shabeelle oo kulan ku yeeshay Jowhar ayaa waxyaabihii ay uga hadleen waxaa ka mid ahaa dhibaatada Shacabku ku qabaan diidmada Shilinka Soomaaliga iyada oo eedeyn u jeediyay qaar ka mid ah Ganacsatada.

Xildhibaan Cumar Gaabow oo Katirsan Baarlamaanka Hirshabele ayaa sheegay in dhibaatada ugu daran ay dadka ku hayaan Ganacsato sameysay lacag Shilin Soomaali ah.

Waxa uu sheegay in waqtigan ay wanaagsan tahay in laga gudbo dhibaatada keentay diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ah oo ay dadka soomaaliyeed iyaga Gacabtooda ku sameesteen maamulka gobolka Hiiraana looga bahaan yahay in uu waqti geliyo.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa weli ka taagan caqabada ka dhalatay lacagta shilinka Soomaaliga iyada oo tasi ay sababtay in Goobo Ganacsi qaarkood ay xirmaan.


NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS