Talyaaniga oo 286 Euro ku maalgelin doonta Soomaaliya

  Thursday March 17, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisulwasaariyaasha Soomaaliya,Talyaaniga iyo wasiiro ka kala tirsan labada dowladood kaas oo lagu qabay magaalada Rome ee dalka Italy, waxaana shirka loo qaban qaabisay dowladda Talyaaniga.

Shirka oo ahaa mid hal maalin ah socday ayaa waxaa furey wasiirada arimaha dibadda dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo ay ka qeybgaleen 300 oo mas’uul oo ka kala socda labada dal isla markaana shirka uu ahaa mid looga hadlayay sidii dowladda Talyaaniga ugu qeyb qaadan la heyd dib u dhiska Soomaaliya.

Wariye C/qaadir Maxamed, oo kamid ahaa dadkii ka qeybgalay shirkaas ayaa sheegay in madaxda labada dhinac ay is dhaafsadeen arimaha quseeya xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Wasiiradii shirkan Soomaaliya ugu qeybgalay ayaa waxaa kamid ahaa wasiirka arimaha dibadda iyo dheerigelinta maalgashiga mudane C/salaan Hadliye Cumar, wasiirka tamarta iyo biyaha mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha dalka Talyaaniga Matteo Renzi, oo shirka gabagebadiisa ka hadlay ayaa balan qaaday in xukuumadiisu ay Soomaaliya ku bixin doonto lacag dhan 286 oo Euro oo lagu maalgelin doono wadanka.

Mr Renzi, ayaa sheegay in lacagtaas lagu maalgelin doono dhismaha wadooyinka, horumarinta beeraha, ganacsiga iyo guud ahaan dib u soo celinta kaabiyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali, ayaa dhankiisa dowladda Talyaaniga ugu mahadceliyay taageerada ay siiso dalka Soomaaliya.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS