Taliye Xaamud oo ka qaybgalay furitaanka Shaybaarka Danbi Baarista Bariga iyo Bartamaha Africa – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

  Monday January 18, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xalay ka qaybgalay furitaanka shaybaarka Danbi Baarista Bariga iyo Bartamaha Afrika, iyadoo Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Albashiir uu xariga ka jaray Xaruntan.

Furitaanka xaruntan oo ay goob joog ahaayeen Mas’uuliyiin ay kamid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Sudan, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo dhigiisa Sudan, Taliyaha Booliska Caalamiga Interpol ee Africa iyo Saraakiil ka socotay Dambibaarista Sudan iyo Dowlado kale.

Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-bashiir oo furay xarunta ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay u leedahay bulshada ku nool bariga iyo bartamaha Afrika

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa booqday xarumaha Dambi baarista Dalka Sudan qaybahooda kala duwan sida xarunta Baarista Kiisaska dambiilayaasha Xarunta Baaritaanada Hubka Xarunta Baaritaanada Mukhaadaraadka iyo Xarumo kale.

Xaruntan ayaa waxa ay noqoneysaa tii ugu horeysay ee Ciidanka Interpol ay ka furtaan dalka Sudan, iyadoo lagu baari doono dambiyada heer gobol ee bartamaha iyo bariga Africa.

Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha Booliska ayaa sheegay in Xaruntan ay soo dhaweynayaan ayna aheyd mid laga maarmaan ah loona baahanyahay in layska kaashado sidii loo xasilin lahaa Qaarada Africa.

__hu_0A0216_H0A0250_H0A0261_H0A0289_H0A0304BH0A0353BH0A0356BH0A0417BH0A0436BH0A0447BH0A0448BH0A0450BH0A0452BH0A0458BH0A0460BH0A0479BH0A0480BH0A0491BH0A0508BH0A0551BH0A0561BH0A0572BH0A0574BH0A0575

BH0A0611

Waxaa Soodiyariyey Warkaani Wariye C.qaadir Xasan Jookar

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

  RELATED ITEMS  
   
  MOST READ  
   
  LATEST NEWS