Warmoley
RA’IISUL WASAARAHA DALKA ETHIOPIA ABAY AXMED OO GOLAHIISA WASIIRADA MAGACAABAY
...

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiye Ahmed ayaa Magacaabay Golahiisa Wasiirada oo ka kooban 20 Wasiir oo 10 ka mid ah ay Haween Yihiin.

Hadal uu Xaflada Magacaabista ka jeediyay Abiye Ahmed ayuu ku sheegay in talaabada uu qaaday oo ah in nus ka mid ah Golahiisa Wasiirada uu Haween u Magacaabo ay tahay mid ka cusub Wadamada Geeska Afrika isla markaana lagu dhiira gelinayo doorka Haweenku ay ku leeyihiin Maamulka.

Haweenka uu R/wasaare Abiye Ahmed u Magacaabay Golahiisa Wasiirada waxaa ka mid ah Ca’isha Mohamed Muse oo loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhiga Ethiopia waana mid ku cusub Taariikhda Dalkaasi.

Golaha Shacabka Dalkaasi ayaa maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda cusub uu R/wasaaruhu Magacaabay.

Golaha Wasiirada Ethiopia oo markii hore ay gaarayay 28 Wasaaradood, ayuu iminka R/wasaare Abiye Ahmed hoos u dhigay isla markaana ka dhigay 20 Wasaaradood oo keliya,

Halkan hoose ka aqriso golaha wasiirada cusub ee dalka Ethiopia.