Warmoley
WARBIXIN:-ENG SAALAX SHEEKH CUSMAAN OO KU DHAWAAQAY IN UU YAHAY MUSHARAX MADAXWEYNE EE KGS
.......

Xaflada Musharaxa ayaa aheyd mid si heersaro loo soo agaasimay waxeyna ka dhacday Magaalada Baydhabo taa soo uu ku soo bandhigay Eng Saalax Sh Cusmaan in uu Musharax u yahay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya xaflada waxaa ka soo qeeb galay Xilibaano Odayaal dhaqmeed, Dhalanyero,Siyaasiyiin,Haween Culamaa`udiin iyo qeeybaha kale ee Bulshada KGS

Eng Saalax oo ah Musharx ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan Degmada Afgooye ayaa shegay in uu usu soo sharxay Badbaadinta umada KGS

Eng Saalax ayaa ka codsaday Bulshada KGS in ay kalsoonidooda siyaan aysigoo Xilibaanada u sheegay in uu yahay badbaadiyaha umada KGS kana codsaday in ay codkooda siiyaan

Ugu dambeentii Musharax Eng Saalax ayaa ka hadlay hawlaha uu u qabandoono Umada KGS sida Amaanka,Waxbarashada,Dibudhiska,Deegaanada,Gacansiinta,Barakacayaasha,Dadka Dalkooda dib ugu soo laabanaya,Dadka saboolka ah iyo Dadka Naafada ah