Warmoley
Dhismaha Isbitaalka Buur-hakaba oo meel wanaagsan maraya
Dhismaha Isbitaalka Buur-hakaba oo meel wanaagsan maraya


Guddomiyaha degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay, Maxamed Ibraahim Nuur oo la hadlay Warbaahinta warmolay ayaa sheegay in ammaanka magaalada uu yahay mid wanaagsan isla markaana uu socdo howlgallo lagu xaqiijinayo Xaaladda amni deegaanada hoos yimaada degmada.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in wada shaqayn wanaagsan ay kala dhexeyso Shacabaka degmada taasna ay keentay in ammaanka uu wanaagsanaado.

Max’ed Ibraahim Nuuur, guddoomiyaha degmadda Buur-hakaba ayaa sidoo kale xusay in horumar dhanka caafimaadka uu ka socda degmada, isagoo tilmaamay in cisbitaal weyn ay dhawaan dhegax dhigeen, haatana dhismihiisa uu meel fiican marayo taa oo ay ka qeyb-qaadanayaan qeybaha kala duwan ee Shacabka iyo ganacsatada degmada.

Degmada Buur-hakaba, waxaa inta badan laga cawdaa biyo yari ka jirta maadaama aysan laheyn ceelal ku filan dadka degan degmada, hase ahaatee guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in ay arrintaas wax weyn ka qabteen oo ay ceel biyood ka hirgeliyeen halkaas.

Guddoomiye Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in meel gabagabo ah uu marayo dhismaha garoon diyaaradeed oo degmada Buur-hakaba ay yeelato kaas oo qeybka ah horumarka maamulka ay ka sameeyeen degamada.

Ugu dambeyn gudoomiyaha degmada Buur-hakaba ayaa ugu baaqay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dowlada federaalka si loo cirib tiro maleeshiyaadka Alshabaab isla markaana loo furo waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ee marta Buur hakaba.

ABDULKADIR JOKAR TURKIGA