Warmoley
Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ku heshiiyey midaynta canshuuraha dalka
Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ku heshiiyey midaynta canshuuraha dalka

Shirka wadatashiga ee xoojinta wadashaqeynta iyo dhameystirka habka
mideynta canshuraha dalka oo Muqdisho laba maalmood uga socday,
wasiirka maaliyadda xukuumadda FS iyo wasiirada maaliyadda dawlad
goboleedyada ayaa dhammaadkiisa laga soo saaray war murtiyeed ku aadan
waxya abahi la isla meel dhigay, waxaana ka mid ahaa.

  1. in madasha wasiiradda maaliyada ee dalka ay ahmiyad gaar ah siiyaan
    habamii usocodka hawlaha gudiga si looga miro dhaliyo hadafka mideynta
    maamulka maaliyada ee dalka.

  1. In la mideeyo sharuucada caanshuraha iyo siyaasadooda guud kaaso ka
    soo bilaabanaya golyaasha dowlad gobaledyada ka hor inta aan la
    horgeynin golyaasha dowlada waana inuu waafaqaa sharuucda maaliyadeed
    ee dowlad gobaledyada.

  1. in shir deg deg ah wasiiradu ay isugu yimaadaan bisha August dhexdeeda si
    looga arrinsado qodobada ku jira sharciga canshuuraha.

  1. In la casiriyeeyo dhammaan maamulka iyo maaraynta canshuuraha
    (Automation of Inland Revenue).

  1. In la dhiso xubno loo tababaro arrimaha la xiriira furdooyinka, kuwaas
    oo noqonaya 12-xubnood oo min 2-xubnood uga kala imaanaya dawlad
    goboleedyada iyo dawladda Federaalka.

    Ku simaha gudomiyaha Gobalka Benaadir ahna gudomiyaha maamulka iyo
    maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur ayaa shegaay in ka gobal ahaan ay aad
    uu soo dhawenayaan in la mideyo canshuuraha dalka si loo gaaro nidaam
    maaliyadeed oo daah furan, islamarkaana samaynaha kobac dhaqaale.

    Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukumadda soomaaliya Dr C/raxmaan
    Ducaale Beyle ayaa shegaay iney diyaar uu ayhiin dhamestirka
    mideynta caanshuraha dalka, taasoo horumarineysa nidaamka dhaqaale ee dalka