Warmoley
Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Ergeyga Qaramada Midoobey oo gaaray Gaalkacyo
Taliyaha Booliska Soomaaliya iyo Ergeyga Qaramada Midoobey oo gaaray Gaalkacyo

Wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Bashir Cabdi Maxamed ayaa goor dhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.


Wafdiga Taliyaha Booliska ayaa waxaa ka mid ah Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska UNSOM.Sida ay sheegayaan wararka booqashada Taliyaha ayaa la xiriirta u kuur gelida xaalada ammaanka magaalada iyo barnaamijka isku dhafka ciidamada sugaya ammaanka magaalada, kaasoo ay taageereyso Qaramada Midoobey.

Sidoo kale wafdiga ayaa booqan doona xeryaha ciidamada isku dhafka la dejiyay, iyadoo la kulmi doona maamulka Gaalkacyo ee labada dhinac Guntland iyo Galmudug.

Qaramada Midoobey ayaa door weyn ku laheyd dadaalada nabadeynta magaalada Gaalkacyo oo horay dagaalo ka dhaceen, waxaana sanad ka hor la sameeyay ciidan isku dhaf ah oo sugaya ammaanka magaalada.