Warmoley
Sida uu Agaasimaha guud ee NISA uu ugu tuntay sharciga ciidanka
Sida  uu Agaasimaha  guud ee NISA uu ugu tuntay sharciga ciidanka Sida uu Agaasimaha guud ee NISA uu ugu tuntay sharciga ciidanka

Sidauu Agaasimahaguud ee NISA uu ugu tuntay sharciga ciidanka

Ilaa markii lasoo magacaabay Agaasime Xusen Cusman Xuseen wuxuu Caado iyo dhaqan ka dhigtay inuu si bareer ah ubaalmaro sharciga ciidanka iyo hanaanka dowladimada.

Hoos Waxaan kusoo koobayaa tacadiyada ka dhanka ahciidanka ee uugaystay intii uu Talada nisa hayay oo kasoo Bilabmaysa 28 feb 2018.

1.Sida sharciga dowliga ah qaboagaasimaha marka uu magacaabayo xil waxaa waajib ah inuu latashi la sameeyo madaxda qaranka iyo kuxigeenadiisa, ma dhicin inta uu xafiiska joogay inuu waxtalo la yeesho kuxigeenadiisa waana arin markhaati madoonto ah oo meelwalba kasheego , wuxuu si cad amar u duldhigay saraakiisa inaysan la macaamili Karin kuxigeenada ‘ waxaanse la yaabay waraaqdii sharciga aan waafaqsanay ee uu qoray 16 July maxayeelay xilli hore ayuuba si baraatiko ah uga joojiyay shaqada.

2.Markaa agaasiamaha uu safar aadayo waxaa waajib ah inuu shaqada xafiiska si kusime ah uu ugu wareejiyo kuxigeenkiisa Laakin Xusen uurkuus ootirada 5 Jeer ah safray cidna ugama tagin masuuliyadda Hay’adda NISA’safarkii ugu danbeeyay ee uu safray 27 June uuna soo noqday 13 july 2018 wuxuu safaray asagoon cidna usheegin wax xilwareejin ahna aan samayn Waxaana arintas ka dhashay inaskar ay u geeriyoodeen dacdaro iyo masuuliayad la aan .

3.Wuxuu kala diray ciidankii iyo saraakiishii NISA oo laga cayriyay loona diiday inay xarunta yimaadaan waxaa si sharci darro ah uu uga jartay mushaarkii ( sharci ahaan sarkaalka Waa la ganaaxi karaa waxaana laga xukumikaraa 30 % wax aan ka badnayn mushaarkiisa, in laga jaro Waa inay maxkamada ciidanka xukuntaa kadib marka lagu soo eedeeyo faldanbiyeed)

4.Wuxuu xilal u magacaabay rag ay cadda hay inay Alshabab xiriir lalahaayeen qaar koodna dhowrjeer la xiray qaarna Ayba maxkamadu xukuntay( waalaga heli karaa Galka xukunka maxkamadda iyo hogaanka baarista waana soo bandhigi doonaa)

5.Wuxuu markii ugu horaysay xafiiska ka dhigay meel khuraafaad iyo sixir halkii larabay inuu ku shaqeeyo xirfad iyo aqoon waaqici ah

6.Wuxuu is hortaagay ciidanka xasilinta inay gutaan waajibaad koodada shaqo wuxuuna dhisay team carqalad joogta ah ku haya oo alshabaabka soo dhaafiya isbaarooyinka( Cadaymo lahayo Alshabab in lagu soo gudbiayay wagaaridiisa ka shaqysa Hoyga uu deganyahay, markhatiyaal nool ayaa jira )

7.Wuxuu si indho sarcaad iyo musaaxirnimo ah been iyo jaahwareerin ugu hayaa madaxda qaranka( sixir Amni makeeni karaa?waa maya Waa Amni daro aabeheed!)

8.Wuxuu ku caan baxay karti xuno iyo fasaaxo la aan xataa weligiis laba sarkaal lamakulmin xataa labadisa kuxigeen weli lama uusan fariisan waana arin cidwalba oo nisa ah ay markhaati katahay( waayaabe ma caqab kaweyn ayaa jirta in Taliye la kulmi waayo askartiisa iyo saraakiishiisa? Waxaa su’ aal ah see ayuu rabay inuu u taliyo? See ayuu rabaa hogaamiye. U noqdo haduusan awood u lahayn inuu la sarkaal wajiga siiyo!? ) mise sixir iyo khuraafaad ayaa ciidan hogaamiya!

9.Agaasime xuseen wuxuu musuqmaasuqay mushaarkii ciidanka ee awalba aan ku filnayn ee la kabijirayarintaasna waxay keentay in sxbadii caawin jiray nisa ay kabkii goostaan xirirkana u gaabiyaan!

10.Wuuxu qoray ciidan kabadan 500 oo sharci darro ah miisaaniyada dowladda aan ku jirin una badan qabiilkisa hoose iyo kooxo ay danwadaag yihiin! Wuxuuna siiyaa mushaarkii ay lahaayeen ciidanka sharciga ah !

11.Wuxuu Agaasime Xusen ka dhex abuuray NISA dhaqan kooxaysi beegsi qabiil iyo ashkhaas uu ku eedayayo inay lasoo shaqeeyeen taliyayaashii asaga ka horeeyay( waayaabe muxuu u yimid soo maahayn inuu maamulo hayad soo shaqaynaysay ilaa 1970)

12.Wuxuu agaasimaha nisa xuseen uu xafiiska iyo goobta shaqada ka maqnaamuddo kabadan 45 maalin shaqo Taas oosharciga ciidanaan waafaqsanayn in Taliye uu fadhigiisa ka maqnaado mudo intaas le eg arintaas oo keeni karta in lagu maxkamadeeyo

Ugu danbayn waxa uu baday nisa Agaasime xuseen maaha wax lagu soo koobi karo Hal qormo Lkn Waxaan idiin ballan qaadaynaa inaan taxane kadhigno inta ay nisa iyo xubneheeda halyayada dacayan ah ayhelayaan cadaalad u qalanta naf hurnimadooda.

Askari istaafkiisa gaarka ah oo aan ka warystay dhaqanka taliyaha wuxu iigu soo koobay “ Kan beer naxa maleh, caqli celiya maleh, dereen ciidan maleh, karti hogaamin maleh , Fasaaxo wax sheegis maleh,dulqaad iyo garasho maleh ee maxay madaxdu noogu soo tuureen waayabe, adeerow qaab aan ku tahriibo ayaan raadinaa qaran loo shaqeeyo majiree”

Bal Ninkii ugu dhawaa ayaa sidaas leh….

Waa Inoo qormadaxigta iyo tacadiyada Xusen uurkuus uu ku hayo saraakiisha NISA

Waxaa qaray : Halgame NISA