Warmoley
Nabad iyo is cafin ayaa horumar lagu gaari karaa

Nabad iyo is cafin ayaa horumar lagu gaari karaa

Dadka iyo dalka soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay badbaado, maxaa yeelay haddii ay musuubo dhacaan ama dab kaco waxaa loo baahan yahay in si deg deg ah oo wada jir ah loo waajahao dhibaataddasi dhacday sidiilooga hor tagi lahaa ama loo dami lahaa, sidaasi darteed mar badan ayaa la isku dayay in la qabto shir dib u heshiisiin ah laakiinse aan lagu guuleysanin ama natiijooyin la taaban karo aan laga gaarin, runtii sababtuna waxay ahayd in aan la helin is cafin guud waa lama huraan in la helo is cafin taasi ayayna ku imaan kartaa dib u heshiisiindhab ah.

Shir weyne guud ee sannad waliba lagu qabto magaaladd Geneva oo ay ka soo qayb galalan xubno ka kala socoda shanta qaaradood ee adduunka oo dhan, gaar ahaan wadamadda ka jira dagaaladda sokeeye sida Somalia, Sudan, Siera Lion, Liberia, Congo, Rwanda, Burundi iyo South Africa . iwm . Waxaan maamulka cusub oo uu hogaaminaayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo in sannad walba dad aqoon yahaano loo xil saaro in ay ka qayb galaan shirkaasi dalka Switzerland - Geneva taasoo aan u arko in laga heli karo faa’iiddooyin looga bixi karo dhibaatadda maanta uu dalka ku sugan yahay oo ay ugu horeyso nabadgalyo xumidda isla markaana dalka lagu soo celin karo nabadgalyon iyo xasiloni .

Muddo hore waxaan shirkaasi ogga qayb galay soomaliya 25 xubnood oo ka socda ururka Somalia Initiative for Dialogue and democracy (SIDD), ururkaa soo loo sameeyey dadka soomaaliyeed ee ku nool dibadda (Diaspora) si ay u bilaabaan is argyo loogu aslixinaayo ummadda soomaaliyeed oo muddo dheer dawlad la’aan iyo bur bur iyo dagaal sokeeye ku jiray oo ay dad fara badan ku naf waayey kuwa kala na ay ka soo barakaceen dalkoodi hooyo , taasoo ugu wacan dagaaladda ku salaysan qabiil iyo qabyaaladda. Shirkaani waxaa guddoomiye ka ahaa Muddane Mahmaed Sahnoun oo ahaan jiray ergeyga gaar ee qaramada midowe ee arriimaha soomaaliya u qaabilsan, guddoomi yahay shirka wuxuu ilaa iyo maanta aaminsan yahay in xalka soomaaliya uu ku jiro soomali dhexoodda (iyga ayaa heshiin kara isla markaasi na dalka na nabadeyn karaa)

Shirkaasi oo sannad walba bisha Augusto bartamheed la qabto oo ay ka soo qayb galaan xubnaha aan kor ku xusay sidaasi darteed dawladda cusub waxaan ku dhiira gelinayaa in ay sannad walba u diraan wafuud ka socda dalka soomaaliya, waxaan shirkaasi looga hadlaayey si loo heli lahaa Nabad iyo Is cafin " Peace and forgiveness” ujeedda ugu weyn ee shirkaasi wuxuu ahaa colaada muddada dheer ee dalka jirtay sidii looga bixi lahaa, taasoo ku imaan karta wada hadal iyo is cafin guud

Intiii shirka socday wafdi walba wuxuu soo bandhigay sidii loo xalin lahaa ama ay wax ooga qabteen dhibaatooyinkii dhex yaalay haddii aan tusaale u soo qaadno dowladda South Africa wufuudii ka socotay oo soo bandhigay sidii ay ugu guuleystaan dhibaatooyinkii ka dhexeeyey dadkii cadaanka ahaa oo muddoo dheer cadaawad dhex taaalay iyo sida ay manta uga gudbeen habkii midab takooda oo maanta tusaale la taaban karo u noqon karta waddama maanta ka dhex aloosan sida dalkana soomaaliya iyo Sudaan , Congo . South Africa waxay ku xaliyeen dhibaatooyinkaasi is cafin dhab ah oo uu bilaabay halyeeyge abba Africa ee Nelsan Mandela oo 27 sannaddood xabsi oo xaq daro ah ku jiray gacanta gumeysiga ee midab takoodka ah oo ay ku maamuli jiraan dalka Suth Africa. Nelson Mandela markii la doortay Madaxweynaha dalkiisa isla markii ba wuxuu soo bandhigay fikrad ah in la is cafiyo oo la ilaabo wixii horay u dhacay , dalkana lagu soo dabaalo nabad galyo iyo democracy taasoo lagu gaaray guusha maanta suouth afrika gaartay.

Guulahaasi waxaa salka ay ku heysay is cafintii la is cafiyey ka dib markii ay kuwii dambiga galay ay qirteen wiixii dambe ah oo ay ka galeen shacabka modow ee ku nool south Africa ..runtii dadkii dambiga laga galay waxay ku qanceen cudurdaarkaasi ay soo jeediyeen sidaasi ayaan la isku gacan qaaday cadaan iyo modowba waxaana lagu balamay in laga shaeeyo sidii dalka loo horumarin lahaa

Wafuudii ka socoday dalka Siera Lieon oo iyaga soo bandhigay sidii ay u xaliyeen dhibaatooyinkii muddada dheer haysatay taasoo sababtay in dad fara badan ay ku dhintaan, dhaqaalihii dalka na uu burburay , waxay cadeeyeen in ay maanta ka gudbeen colaadii dalka ka jirtay oo ay u gudbeen haba democracy oo maanta shacabka reer sierra lion ay ku nool yihiin nabad galyo . Sidoo kale waxaa soo bandhigay dalka Liberia hubkii ay ku xaliyeen dhibaatooyinkooda oo maanta doorasho xalaal ah ay ka dhaceen dalkaasi taasoo ay mujineyso in laga gudbay dagaaladdii sokeeyey oo ka dhex aloosnaa dalkaasi, tassina waxay keenay dadkii oo u bislaaday inay helaan dowladda loo wada dhan yahay si dalka u u gaaro horumar iyo nabdagalyo waarta .

Wafdiga soomaaliyeed oo ka koobnaa 25 xubnood waxay soo bandhigeen habka ugu haboon oo dalka soomaaliyeed loogu badbaadin lahaa dhibaatooyinka mudddada dheer soo jirtay iyo habkii loo gaari lahaa dib u heshiisiin iyo iscafin dhab ah. Intii shirka socoday waxay ka qab galayeen doodo oo ay la yeesheen wafuuddii shirka ka soo qabgalay oo qibrab weyn u leh cilmgia bulshadda si looga helo talooyin iyo fikriado oo waxay tar u yeelan karata sidii loo xalin lahaa dhibaatooynka maanta heysatay shacabka soomaaliyeed iyo si loo helo nabad iyo horumar .

Shirkaasi faa’iidda ugu weyn oo aan ka soo helnay waxay ahayd in xalka soomaaliyeed uu ku jiro gacanta shacabka soomaaliyeed , taasoo loo baahan yahay in la iska ilaabow wixii shalay dhacay oo maanta laga tashto mustaqbalka berito sidii dalka iyo dadka loo hormarin lahaa iyo in la helo is cafin dhab ah oo aan gadaal loo gocanin fool xumaddii shalay dhacday , is la markaasina laga gudbo hab qabiilka oo loo gudbo hab qaranimo , taasoo lagu gaari karo nabadgalyo iyo horumar, wafuuda soomaaliyeed ee sharkani ka qayb galay waxay walaac ka muujiyeen dadka soomaaliyeed ee maalin walba ku dhimaynayaa xeebaha dalka yeman iyo Talyaaniga taasoo u sabab ah aamaan daradda dalka ka jirta waxaan talo ku soo jeedinay in maaamulka puntland in ay xil weyn iska saarto sidii loo joojin lahaa dadkaasi faraah badan ee ka soo baxaya xeebaha Puntland.

Waxaan dawladda DFS kula talin lahaa in ay abuuraan maamul si loo helo shaqooyin fara badan oo ay ka faa’iideystaan dhallinyaradda maanta ku mashquulsan in ay qaataan hub oo ay dad ku dilaan ama ay wax ku dhacaan, sidaasi darrteed waxaa haboon in dawladda ay xoogeedda isugu geyso sidiii ay u abuuri lahayd shaqooyin oo ay ka faa’iideystaan shacabka soomaaliyeed oo idil., isla markaasina waxaa loo baahan yahay in loo soo tafa xeyto sidii loo horumarin lahaa ama dib loogu dhisi lahaa dalkeenii oo ay aafeysay dagaalo sokeeye oo baahi weyn u qab sidii dib loogu dhisi l ahaa, taasina waxay ku xirin tahay in marka hore nabad galyaddii dib oo soo hanta oo lagu joojin kara fikradaha xag jirka iyo tahriibayaasha faraha badan waxaana filayaa in dib u hashiisiin dhan ah la gaari karo marka la helo inla is cafiyo oo aan dib loo eegin dhibaatooyinka dalka ka dhacay oo laga fikaro mustaqbalka berito sidii loo hormarin lahaa dadka iyo dalka sidaasi darteed nabad iyo iscafin ayaa horumar lagu gaari karaa.

Waxaa soo diyaariyey

Dr. Abdulkadir Ali Bolay