Warmoley
Mukhtaar Roobow & xubno la socday oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo (Daawo Sawirro)
Mukhtaar Roobow & xubno la socday oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo

Wadaadka Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) iyo xubno la socda ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa garoonka Dayuuradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey Mukhtaar Roobow iyo Xubnaha la socday.

Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa la geeyey Mukhtaar Roobow iyo xubnaha la socday oo la kulmi doona Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed.

Mukhtaar Roobow ayaa ka tegay Magaalada Muqdisho oo maalmihii u dambeysay uu ku sugnaa, iyadoo aan weli shaacin natiijada ka soo baxday wadahadalkii uu lahaa dowlada federaalka.