Warmoley
Khayre oo la kulmay Maamulaha Bankiga Adduunka
Khayre oo la kulmay Maamulaha Bankiga Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland kula kulmayMaamulaha Bangiga Adduunka Kristalina Georgieva.

Kulanka labada dhinac oo qaatay daqiiqado badan ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo la xiriiray xiriirka Bangiga adduunka iyo Xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale halka uu marayo dedaalka xukuumadda Soomaaliya.

“Waxaan kulan muhiim ah la qaatay Maamulaha Bangiga adduunka Kristalina Georgieva, waxaan ka wada hadalnay xiriirka Bangiga adduunka iyo Xukuumadda Soomaaliya iyo sidoo kale halka uu marayo dedaalka xukuumadda ee sidii Soomaaliya looga cafin lahaa Deymaha lagu leeyahay.” Ayuu ku yiri R.W Khayre hadal kooban oo uu ku soo qoray bartiisa Facebooka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la yeeshay qaar ka tirsan madaxda ka qeyb galeysa shirka Dhaqaalaha Adduunka, waxaana uu kala hadlayay sidii taageero ugu heli lahaa mashaariicda ay dooneyso inay fuliso Xukuumaddiisa.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay sheegtay in ay isbeddel ku sameysay hanaanka Canshuuraha iyo maaliyadda islamarkaana hadda tahay dal dalbanaya in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay.