Warmoley
SAWIRRO: Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho
Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay Xuska munaasabadda sannadguurada 45-aad ee maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Munaasabaddaan ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Ururadda Warbaahinta sidda Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka, guddoomiyaha cusub ee gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, wasiir ku xigeenka Warfaafinta, madaxda NUSOJ, iyo Madaxda ururrada Saxaafadda Madaxa Banaan.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hambalyay Suxufiyiinta iyo bahda Warfaafinta, sheegayna in ay muhiim tahay sidii looga faa’ideysan lahaa awoodda warbaahinta maanta.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka go’an tahay sidii loo horumarinta lahaa xirfadda suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wada shaqeyn xoog leh ay ka dhaxayso wasaaradaha dowlad gobolleedyada iyo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Dhinaca kale Heshiis saddex geesood ah oo u dhaxeeyey Wasaaradda Warfaafinta, Jaamacadda Ummadda iyo ururka NUSOJ ayaa lagu kala saxiixdey munsaabadda, kaas oo ku aaddan sare u qaadidda tayarada Suxufiyiinta Soomaaliyeed.