Warmoley
DEG DEG: Madaxweyne Gaas oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb
DEG DEG: Madaxweyne Gaas oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb,halkaas oo ay ku qul qulayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Gaas iyo Wafddigiisa ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada waxaana ay ku biireen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Hirshabeelle oo halkaas xalay ku hoyday.

Sidoo kale waxaa Magaalada ku wajahan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariuif Xasan Sheekh Aadan iyo wafddi uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha Maamulka Jubaland ayaa ka baaqday in uu tago Dhuusamareeb,waxaana uu xusay in uu booqanayo degaanno ka mid ah Maamulka Jubaland.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa la filayaa in uu ka dhoco kulan lagu dhameystirayo heshiiskii Galmudug iyo maamulka Ahlu Sunna.