Warmoley
VIDEO:-Degreeto Ka Soo Baxday M KGS Shariif Xasan Ayaa Lagu Magacaabay Guddoomiyaha ee Maxakamadda Sare
Degreeto Ka Soo Baxday M KGS Shariif Xasan Ayaa Lagu Magacaabay Guddoomiyaha ee Maxakamadda Sare

Degreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee Maxakamadda Sare ee maamulkaasi,iyo Xeer ilaaliyaha guud ee K/Galbeed oo markii ugu horeysay uu yeesho Dowlada Goboleedka K/Galbeed.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa guddoomiyaha Maxakamadda Sare u magacaabay Axmed Cali Muuse,kaasi oo bedelaya guddoomiyihii hore ee Maxakamadda Sare oo horey xilka qaadis loogu sameeyey.

Sidoo kale Degreetada xafiiska Madaxweyne Shariif Xasan ka soo baxday waxaa lagu magacaabay Xeer Ilaaliyaha guud ee maamulkaasi Koonfur Galbeed,kaasi oo loo magacaabay Maxamed Macalin Cabdiyow.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiintani in ay xilkoodi u gutaan si hufan,islamarkaana ay qabtaan adeegyada ay uga baahanyihiin bulshada ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed.

https://www.youtube.com/watch?v=HtkWfileO8c&feature=youtu.be