Warmoley
Sawiro Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loogu soo dhaweeyay Koofurta Gaalkacyo
Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loogu soo dhaweeyay Koofurta Gaalkacyo

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug sida Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle, Wasiiro, iyo Xildhibaano iyo dadweyne faro badan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho uu ku joogay maalmihii la soo dhaafay dowlad goboleedka Puntland uu soo gabagabeeyay waxaana booqasho uga bilaabatay maanta deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga uu horkacayo Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda booqdaan magaalooyin ka tirsan Galmudug.

Ammaanka guud ahaan maamul goboleedka Galmudug ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo badan lagu arkayo inta badan magaalooyinka Galmudug.