Warmoley
VIDEO:-XILDHIBAAN IDIRIS IYO XILDHINAAN MOHAMED OSMAN ISACK FANAX AYAA BOOQDAY KAAMKA ABAL
Xildhibaano ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya Xildhibaan Idiris iyo Xildhinaan Mohamed  Osman Isack Fanax Ayaa Booqday Kaamka Abal

Xildhibaano ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Xildhinaan Mohamed Osman Isack Fanax iyo Xildhibaan Idiris Abdi Takhtar ayaa maanta 12/01/2018 kormeer ku tag goob ay soo degeen barakacayaal cusub oo ka soo qaxay deeganka Abal ee Gobolka Bakool. Degaankaas oo la sheegay in maalmihii ugu dambeyay ay dagaalo ku dhex mareen ciidamada Alshbaab iyo ciidamo taageersan Abuu Manshuuur oo dhawaantaan marti u ah Dowladda Federal Soomaaliya.

Horjooge ka mid ah dadkii soo qaxay ayaa sheegay in dhibaatada dadka ay ka soo qaxeen ay tahay dagaalo, dil, dhac iyo boob loo geeystanaayo dadka shacabka, caruurta iyo dhalinyarada oo degan aagagaas oo ay geesanaayan ciidamo ka tirsan Alshabaab. Waxaa kale oo uu sheegay horjoogayaasha in dad badan ay wadada ku soo jiraan, kuwo kalena ilaa iyo hadda la ogeen nolol Ivo geeri. Horjoogahaan waxa uu sheegay in dad badan ay soo booqdeen xeradaan barakacayaasha cusub, laakiin nasiib daro, ilaa iyp hadda ma jiraaan cid wax soo garsiisay.

Xildhibaan Idiris Abdi Takhtar ayaa hawada u mariyaya baaaq culus dhammman hay’adaha samafalka oo gaarayo ilaa 30 hay’adood oo hadda ku sugan Baydhabo. Xildhibaanka waxa uu sheegay in iilaa iyo hadda hay’adahaas wax ay u qabteen ma jiraan dadkaas soo barakaca. Xildhibaanka ayaa sheegay in dadkaan aysan haysan raaashin iyo xataa dhar ay huwadaaan ma haystaaa. Xildhibaanka waxaa uu sheegay in ay u sheegeynaaa in hay’adaha ku sugan Baydhabo aysan baakacayaashaan cusub waxbo u qaban, isla markaasna ka qaadi doono talaabo deg-deg ah hade aysan saacadaha soo soda wax gaarsiin dadkaas dhibaateysan. Waxaan ogeysiinaysaa arintaan maamulka gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo, iyo dowladda dhexeba iyo madaxda hay’adaha gargaarka , ayuu sheegay Xildhibaan Idiris.

Xildhibaan Mohamed Osman Isack Fanax aaaa sheegay in dhowr maalmoood ay dadkaan soo qaxay ay waded ku soo jireeen, waxay u soo qaxeen nabad galbye xumo Ivo colaad . Dadkaan ma heystaan wax ay cunaan iiyo wax ay wax ku karsanddaa. Xildhibaan Fanax ayaa baaq u diray dhammaan hay’adaha gargaarka, maamulka iyo ganacsatada in loo soo gurmado dagkaan dhibaateysan. Xildhibaanka waxaa kale oo uu sheegay in dadkii ku Harry tuulooyinka loo diiday in ay beerahooda goostaan.