Warmoley
Wasiirka Warfaafinta Koonfurgalbeed oo shaaciyay in todobaadyada soo socda la fulin doono howlgallo ka dhan ah Shabaab

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in todobaadyada soo socda laga xorayn doono maleeshiyaadka Al-Shabaab meelaha fara ku tiriska ah ay kaga suganyihiin Gobolka Baay, xilli Wasiiro ka tirsan Maamulka ay suganyihiin Degmada Bardaale halkaasi oo kulamo ay kulamo Wadatasho oo la xariira ammaanka ay la yeesheen qaybaha Bulshada iyo Maamulka.

Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamad oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay kormeer howleed ku tegeen Degmada Bardaale, halkaasi oo ay kulamo kula yeesheen maamulka iyo saraakiisha ciidanka, ujeedkuna uu yahay sidii loo xoojin lahaa la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

“Socdaal muddo 3 cisho qaatay ayaan ku joognaa magaalada Bardaale, ujeedkeenu waxa uu yahay arrimaha ammaanka iyo ciidanka booliska gaarka ah ee degmadan ku sugan, sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen howlgallada la qorsheynayo in todobaadyada soo socda lagu qaado haraadiga Al-Shabaab, odoyaashuna waan kala hadalnay, inay gacan ka geystaan sidii guud ahaan gobollada dalka looga xoreyn lahaa haraadiga Al-Shabaab”ayuu yiri Xasan Cabdi Maxamed.

Wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamad ayaa intaa ku daray in odoyaasha dhaqanka iyo maamulka degmada ay ku guuleysteen xalinta colaad yar oo dhex maray labo beel oo walaalo ah, waxaana uu intaa ku daray in bulshada looga fadhiyo inay xoojiyaan dib u heshiisiinta la dhex dhigay labada dhinac.

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE

WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR