Warmoley
Daawo sawirrada: Raggii ka dambeeyay dilkii Hindiyo Xaaji oo saaka la toogtay

Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisaylabadii nin ee ka dambeysay dilka Allaha u naxariistee Marxuum Hindiyo Xaaji Maxamed, kuwaasi oo kala ah C/risaaq Maxamed Barrow Caddow iyo Xasan Nuur Cali Faarax.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Cabdcasiis Guuleed Afrika ayaa ku soo waramay in maxkamadda ay saaka xukunkii cadaaladda ah ku fulisayC/risaaq Maxamed Barrow Caddow iyo Xasan Nuur Cali Faarax oo ahaa raggii dilay Allaha u naxariistee marxuum Hindiyo Xaaji Maxamed oo ka mid ahayd suxufiyiinta Wasaaradda Warfaafinta.

Sadexda bishii 12aad ee sanadkii 2015 ka ayay ahayd markii C/risaaq Maxamed Barrow Caddow iyo Xasan Nuur Cali Faarax ay gaarigeeda Allah u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed Kheyre ugu xireen qarax, waxaana 25ka bishii February Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ay xukunno kala duwan ku riday labada nin, iyadoo maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ay laashay xukunkaasi, kuwaasi oo 20-kii March ay labaduba ku riday xukun dil ah, waxaana saaka lagu fuliyay xukunkaasi.