Warmoley
Daawo Sawirada Caruuskii ugu da da yaraa oo arooskooda laga tumay W/galbeed ee dalka Sacuudiga
Arooskaani oo ahaa mid aad u balaaran ayaa waxa uu ka dhacay magaalladda Tabuuk ee waqooyi galbeed dalka Sacuudiga.

Arooskaani ayaa waxaa loo dhigay Wiil iyo Gabar aad u yar, waxaana arooskaasi lagu micneeyay inuu yahay arooska ugu da'da yar ee adduunka ka dhacay.

Wiilka arooska loo dhigay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cali Maxamed Alqaysi, waxa uuna ku faanay in guurka uu leeyahay macaani kala duwan, islamarkaana uu guurka badinaayo aadamiga.

Wadamada Carabta ayaa horay loogu yaqiinay ka daahista guurka, waxa ay tani muujineysaa in isbedel uu ku imaanayo dhaqanka carbaha.