Warmoley
DAAWO Sawiiro cajiibleh Taliska qeybta guud ee booliska oo soo bandhigay gaariga laga tuuriyay hoobiyaha “SAWIRRO

Ciidamada Booliska ayaa caawa gacanta ku dhigay gaari nooca Dadweynaha ee loo yaqaano Mini Bus oo uu saarnaa Qariga Hoobiyaha ee loo adeegsada madaafiic caawa meelo ka mid ah Muqdisho ay ku soo dhaceen, gaar ahaan degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi, halkaasi oo ay ku dhinteen dad rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen toban kale.

Taliyaha qeybta guud booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo saxaafadda kula hadlay goobta lagu qabtay gaariga ay wateen dhagar qabayaasha ayaa sheegay in gaariga Hoomeyga ah uu ahaa kii ay maleeshiyaadka Shabaabku ku qal qal gelinayeen amniga, waxaana uu intaa ku daray in ciidanka booliska ay ku guuleysteen gacan ku dhigidda gaariga.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxda gaariga wadatay ay gaarayeen afar ruux, kuwaasi oo labo ka mid ah iyaga oo dhaawac ah la geeyay goobaha caafimaadka, oo lagu dabo joogo,.

Ciidamada ayaa iska caabin kala kulmay Kooxda madaafiicda tuureysay,iyagoo marki dambe ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan gaariga ay wateen iyo hoobiyeyaashii saarnaa, kuwaasi oo taliska qeybta guud ee gobolka uu saxaafadda u soo bandhigay.

vlcsnap-2016-04-07-22h54m53s188vlcsnap-2016-04-07-22h53m56s130vlcsnap-2016-04-07-22h53m39s224vlcsnap-2016-04-07-22h53m33s159vlcsnap-2016-04-07-22h52m55s34vlcsnap-2016-04-07-22h52m47s207vlcsnap-2016-04-07-22h52m34s81vlcsnap-2016-04-07-22h52m28s17vlcsnap-2016-04-07-22h52m21s206vlcsnap-2016-04-07-22h51m14s47vlcsnap-2016-04-07-22h51m06s224vlcsnap-2016-04-07-22h50m52s85vlcsnap-2016-04-07-22h50m45s16vlcsnap-2016-04-07-22h49m50s231vlcsnap-2016-04-07-22h49m43s160vlcsnap-2016-04-07-22h49m33s67vlcsnap-2016-04-07-22h49m25s244vlcsnap-2016-04-07-22h48m52s167vlcsnap-2016-04-07-22h48m39s32vlcsnap-2016-04-07-22h48m31s211vlcsnap-2016-04-07-22h48m28s184