Warmoley
Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka koofur galbeed oo Buur-hakaba gaaray

Wefdi wasiiro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka koofur galbeed Soomaaliya ayaa gaaray degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay, ayagoo kulamo la yeeshay qeybaha bulshada ee degmadaasi.

Taliyaha booliiska gaarka ah ee dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya, Maxamed Isxaaq Cari-case, oo kamid ah xubnaha gaaray halkaasi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in u jeedada wefdiga ay quseyso arimo badan oo xaalada degmada ku saabsan.

Taliye Cari-case ayaa tilmaamay in degmada Buur-hakaba ay kamid tahay goobaha ciidanka maamulka lagu tababarayay isla markaana loo qeybiyay ciidankaasi saanadii ay ku howlgali lahaayeen.

“Qorshe guud oo dowladda koofur galbeed ay u dejisay in degmo kasta ay ka howlgalaan 300 oo askari ayay kamid tahay tan Buur-hakaba,” ayuu yiri Cari-case.

Mas’uuliyiinta soo gaaray degmada Buur-hakaba, ayaa waxaa kamid ah wasiirka warfaafinta, wasiirka hubka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyaadka iyo xubno kale oo uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Baay.