Warmoley
Shirka Baarlamannada Adduunka oo ka socda Sambiya

Shirka Baarlamaannada Adduunka oo maalintii sedexaad ka socda dalka sambiya ayaa looga hadlayaa wali Dhibaatooyinka ka taagan xilligaan Qaar ka mid ah Waddamada Adduunka.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mas’uuliyiinka Baarlamaanka Federaalka uga qeyb galaya shirkan ayaa tilmaamay in madaxda ka qeyb galaya Shirka ay aad ugu dheeraadeen ka hadalka Dhibaatooyinka heysta Qaar badan oo ka mid ah Waddamada adduunka, iyadoo laga wada hadlayo sida ugu haboon ee loo xalin lahaa Arrimahaas.

Shirka ayaa si doo kale looga hadlay Arrimaha Soomaaliya ka taagan iyadoo qudbadda Baarlamaanka Soomaaliya uu shirkan kulahaana laga jeediyay Madasha kaas oo looga hadlay xaaladda Dhabta ah ee ka jirta Xilligaan Gudaha dalka.