![]() |
Gabar bare ah oo Falastiini ah oo ku guuleysatay abaalmarinta macalimka caalamka
Monday March 14, 2016 - 10:52:21
![]() Gabar Falastiini ah oo lagu magacaabo Hanan Al Hroub, oo bare ka ah dugisga Samiha Khalil oo ku yaala deegaanka Al-Bireh kuna dhow magaalada Bethlehem ee dhulka reer Falastiin ayaa ku guulesatay $1m (£710,000) oo ah abaalmarinta caalamiga ah ee Macalimka sanadkan 2016 kadib xaflad lagu qabtay magaalada Dubai. Hanan Al Hroub, ayaa ku barbaartay xero qaxooti iyadoo u ololeyn jirtay waxbarashada carruurta kuwaas oo dhibaato ka soo gaartay rabshadaha hubeysan oo ka jira deegaanka ay ku noolaayeen. ” Aniga waxaan ku faanayaa in aan ahay gabar bare ah oo Falastiini ah soona istaagta masraxan. Zaaisada waan ogolaaday anigoo ka wakiil ah dhamaan bariyaasha caalamka gaar ahaan kuwa Falastiiniyiinta ah ,” Al Hroub said. ” Anaga ka bare ahaan waxaan dhisnaa qiimaha iyo qiyamka maskaxda kuwa yaryar si loo hubiyo xaqa ay aduunka ku leeyihiin, si loo helo duni qurux badan oo xor ah. ” Mustaqbalka waxaa uu u muuqdaa mid fog hase yeeshee waxaa jira himilooyin si kastaba marka aad howshan oo kale isku daydid in aad sameyso aduunka ayaa ku caawinaayo.” Al Hroub, ayaa waxaa abaalmarintan u gartay hey’adda Varkey Foundation oo waxbarashada dhiirigelisa iyadoo dadkii u hambalyeeyay ay kamid ahaayeen madaxa kaniistada Pope Francis,Prince William iyo mas’uuliyiin kale. Xaflada ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka UK Tony Blair iyo madaxweyne ku xigeenka dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum Dadkii la tartamay ayaa waxaa kamid ahaa;
|