Warmoley
Ra’iisul wasaaraha oo sheegay in guddi xaqiiqo raadin ah ay u dirayaan Ceel Cadde – Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in Xukuumadda ay guddi u saartay duqeyntii diyaaradaha Kenya ay ka geysteen deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Kenya ay kala hadleen inay joojiso duqeymaha xagga xirka ah ee ay ka fulineyso qaar ka mid ah gobollada dalka, waxaana uu intaa raaciyay in guddi xaqiiqo raadin ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya ay dhawaan tegi doonaan deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo, si ay u soo qiimeeyaan xaaladda dadka halkaasi ku nool iyo saameynta ay ku yeelatay duqeymaha xagga cirka ah.

“Guddi xaqiiqo raadin ah ayaa tegaya, waxaana hogaaminaya Wasiirka Gaashaandhigga si ay u soo qiimeeyaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaanka, sida aad ogtihiin ciidanka AMISOM way isaga baxeen deegaanka, waxaana qorsheyneynaa in wafdiga ay goordhaw tegaan Ceel Cadde” ayuu yiir Ra’iisul wasaaraha.

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR