Wafdi uu hogaaminaayo Wasiirka arrimaha dibadda Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar oo ka qeyb galey shirkii ugu horeeyey ee Wasiirada Arrimaha Dibaddda ee dalalk Carabta iyo Hindiya

Wafdi uu hogaaminay Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaaliyua Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar ayaa ka qeyb galey shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada carabta iyo dowlada Hindiya oo ka furmey magaalada Manama ee dalka boqortooyada Baxreen.

Shirkan ayaa ahaa mid loogu doodaayey sidii loo horumarin lahaa iskaashiga ka dhexeeya dowladaha carabta iyo dowladda Hindiya, qodobada lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa: Ikaashiga dhinaca siyaasadda, Dhaqaalaha iyo ganacsiga, Tamarta, dhowrista bii’ada, beeraha iyo isku filaanshaha wax soo saarka beeraha, tayeenta kaabayaasha dowlada Waxbarasha iyo dhaqanka, Warbaahinta, Iskaashiga dhinaca Horumatinta tayada bulshada iyo dhinaca caafimaadka.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ka hadley shirkan wuxuuna xusey xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya dowladda Hindiya iyo wadamada carabta. Wuxuu ka hadley in si wada jir ah loo waajaho argagixisada caalamka. Wuxuu kaloo uu sheegey in Somaaliya maanta ay isbedel weyn ka sameesey dhinaca nabadgelyada iyo deganaanshaha dalka, wuxuu xusey in iskuulada si caadi ah loo tago, suuqyada iney buuxaan oo si caadi ah loogu adeegto, iyo Soomaaliyada ku noolaa dibadaha ay dalka ku soo noqonaayaan si ay ugu qeyb galaan dib u dhiska dalka.

Xiriirka dowlada Hindiya iyo dowladaha carabta ayaa lagu tilmaamey iney tahay mid aad u qoto dheer, waxaana la ogyahay in ka badan 6 million shaqaale oo u dhashey dalka Hindiya ay ka shaqeeyaan dalalka carabta, gaar ahaan dalalka khaliijka.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa Marwo Ebyan Ladane Saalax Safiirada Soomaaliya u fadhisa dalka Hindiya ahna gudoomiyaha safiirada Carabta ee dalka Hindiya “Dean of Arab Leagues” iyo Mudane Saalim Macow Xaaji oo La taliyaha Koowaad iyo ku xigeenka safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga.

Shirka wuxuu ku soo dhamaadey guul iyo is afgarad, waxaana lagu iclaameyey si wada jir ah qodobadii shirka ka soo baxay
“Manama Declaration” oo ah shirkii ugu horeeyey ee wasiirada Cabarbta iyo Hindiya ay ku wada kulmaan

8820478a-9488-474f-a370-a59d99d0b57f36120920-5b74-4c8a-a029-8d0dae69503ca4fec2db-3f37-4272-85d5-c5b373698567a8e63c2c-c0b2-42a0-b77a-173ef5178d09aed22941-3c99-4a85-915e-4a54b6357558c46cb528-a747-4fa4-a17c-5d5d920bbd7bf7862564-71db-4764-a2d8-70c62547b2d6

WAXAA IDIN SOO DIYARIYE WAR KAANI WARIYE CABDUL QAADIR JOOKAR